Madaxweyne Gaas oo agaasime u magacaabay hay'adda daryeelka bulshada

Image

22 November, 2015(GO)-Waraaq ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa agaasime loogu magacaabay hay'adda daryeelka bulshada Puntland.

Xilkan ayaa loo magacaabay Axmed Maxamed Muuse Dhafuuje oo ka mid ah dadka ka soo laabtay dalka Maraykanka mudana ku sugnaa deeganada Puntland.

Dhafuuje oo ka tirsanaan jiray ciidanka cirka Somalia ayaa darajo ahaan gaaray Gaashaanle sare.

Agaasimaha hay'adda daryeelka bulshada Puntland,ayaa horay u ahaa Cabdirsaaq Dayib oo sannadkii hore xilkaasi loo magacaabay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM