​Madaxweyne Gaas oo Baydhabo tagay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti oo ka kooban labada gole ee dawladda Puntland iyo Madaxtooyada ayaa maanta 22-Jun-2016 gaarey magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka kumeel gaarka ah ee Koonfur-galbeed.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Baydhabo kusoo dhoweeyey Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadam, xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed, labada gole  ee maamulka Koonfur-galbeed iyo Boqollaal dadweyne ah kuwaas oo muddo dhowr saacadood ah Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku sugayey Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo.

Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Wafdigiisa intaasi ka dib waxaa loosoo gudbiyey xarunta Madaxtooyada maamulka koonfur galbeed halkaas oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Ujeedka Socdaalka Madaxweynaha dawladda Puntland ee Baydhabo ayaa salka ku haya ka qayb galka shirka Madasha wadatashiga oo galabta  ka furmi doona magaalada Baydhabo isla markaana looga arrinsan doono halka looga dhaqaaqi doono meeshaan maanta la joogo.

Sidoo kale shirka ayaa lagu lafa guri doono dardar gelinta hawlaha horyaalla guddiyada doorashooyinka ee dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah kuwaas oo dhabbaha u xaadhaya soo xulista xildhibaano cusub oo ku yimaadda metelaad shacbi oo dhab ah.

Shirka aya socon doona muddo saddex berri ah waxaana la qorshaynayaa in laysla meeldhigo dhammaan qodobada qabyada ah ee la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha August iyo September ee foodda inagu soo haya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM