Madaxweyne Gaas oo berri ka dagaya magaalo madaxda Puntland

Image

Nov 4,2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland oo maalmihii la soo dhaafey ku suganaa wadanka Imaraadka Carabta ayaa maalinta berri ah ka dago magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Waftiga madaxweynaha ayaa la filayaa in berri kasoo ambabaxi doono magaalo madaxda wadanka isu-taga Imaraadka Carabta ee Abu Dhabi halkaas oo uu kulamo kula yeeshey saraakiil ka tirsan wadankaas.

Imaanshaha madaxweynaha Puntland ee magaalada Garowe ayaa la rumeysan yahay iney dabada ka riixeyso doorashada gudoomiyaha Barlamanka oo la filayo iney dhacdo maalinta Sabtida dhacdo.

Madaxweynaha Gaas oo labadii bilood ee ugu dambeysay fadhigiisu ahaa magaalada Galkacayo xarunta gobolka Mudug ayaa muddo 12 asbuuc ah fariisin golihiisa xukuumada halka xildhibaanada Barlamanka xil ka qaadis ku sameeyeen gudoomiyaha Barlamanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM