​Madaxweyne Gaas oo booqday saldhigga dhexe Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa caawa sameeyay kormeer uu ku maray qaybaha kala duwan ee caasumadda Puntland Garow, wuxuuna tagay saldhigga dhexe isago soo indha indheeyay qaabka shaqadu u socotay, isagoo la kulmay waaxyaha kala duwan ee gobtaasi ku sugnaa.

Gaas ayaa la kulmay saraakiisha amniga iyo dadweyne ku sugnaa saldhigga gaar aahaa qaybta Oobiga haalkaasi oo lagu qoro cabashada dadweynaha, wuxuuna ka waraystay xaaladooda iyo qaabka shaqadu usocoto.

Madaxweynaha oo wehilnaysay marwadiisa Hodon Siciid Ciise, ayaa sidoo kale booqday hoyga caasumadda Puntland ka taganyahay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah isimada Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali ayaa ugu dambeyn soo indha indheeyay guud ahaan magalada isagoo aysan la socon ciidamo gaashaman iyo gawaaridii horay looga bartay, wuxuuna soo maray dhammaan jidadka Garowe.

Booqadan ayaa ka marakacaysa amniga buuxa ee Garowe, waxaana asbuucii hore madaxweynaha oo wehelinayay Ra’isal wasaare Sharmake ku caweeyeen meheradu ku yaalla magaalo madaxda Puntland, taaso ujeedkeedu ahaa in dadweynaha la tuso amniga Puntland ka jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM