Madaxweyne Gaas oo booqday xerada ciidamada PMPF ee Bosaso

Image
Image
Image

December 1, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan magaalada Bosaso ayaa maanta booqday xerada ciidamada badda Puntland ee Bosaso.

Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Cabdirisaaq Faarax Qare iyo Agaasmihaa Guud ee Ciidanka Badda  Cabdinaasir Biixi Soofe iyo saraakil sare oo katirsan ciidanka ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa halkaas si diirran ugu soo dhoweeyey.

Intaas kadib Gaas ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada badda Puntland.

Muddadii uu ku sugnaa gudaha xarunta waxa uu kulamo kula qaatay mas'uuliyiinta ugu sarreeya ciidanka Badda Puntland ee PMPF ,waxana kamid ahaa masuuliyiintaas madaxa mashaariicd ee PMPF Mr.Xuseen iyo saraakil kale.

Waa markii saddexaad ee Cabdiweli Gaas tan iyo markii la doortay uu booqdo xerada ciidamada badda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM