Madaxweynaha PL iyo wafdi uu horkacayo oo Bosaso soo gaarey

Image
Image
Image
Image
Image

November 27, 2014 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kasoo kicitimay degmada Qardho ayaa maanta soo gaarey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Mas'uuliyiinta ugu sarreeya maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Bosaso, isimmo, culimaa'uddiin iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdiga Madaxweynaha kaga hortegey meel magaalada 5km koonfurta kaga beegan.

Wafdiga ayaa intaas kadib loosii gudbiyey xarunta madaxtooyada halkaasoo Cabdiweli Gaas si kooban warfidiyeenka ugula hadlay isagoo ka mahadceliyey qaabka wanaagsan ee loosoo dhoweeyey sheegayna in mudo dhowr beri ah uu Bosaso sii joogi doono lana kulmi doono qaybaha kala duwan ee bushada.

Warar madax bannaan oo GO heshay ayaa tibaaxaya in muddada Madaxweynuhu Bosaso ku sugan yahay kormeeri doono xarumaha dowladda gaar ahaan garoonka diyaaradaha Bender Qaasim oo dhowaan dhismihiisa la bilaabayo.

Dhanka kale ammaanka magaalada Bosaso ayaa maanta si weyn loo adkeeyey iyadoo waqti kooban la xiray qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah lana xakameeyey isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Faah faahin dheeri ah iyo  sawiradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM