Madaxweyne Gaas oo degmada Qardho soo gaarey

Image
Image
Image
Image

May 21, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhow soo gaarey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. 

Boqollaal dadweyne ah oo ruxayey calanka Somalia, midka Puntland iyo boorar ereyo soo dhoweyn ahi ku qoran yihiin ayaa wafdiga kaga hortegey meel dhowr kiilo mitir degmada Qardho koonfurta kaga beegan.

Gaas ayaa markii uu Qardho gaarey wuxuu xarigga ka jaray waddo laami la saaray taasoo dhismaheeda ay iska kaashadeen, dowladda, bulshada Qardho iyo barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo saraakiil ciidamada ah, waxaa la filayaa inay caawa seexdaan Qardho iyagoo maalinta berri ah uga sii gudbi doona dhanka magaalada Bosaso.

Muddada uu Qardho ku sugan yahay, Cabdiweli Gaas wuxuu la kulmi doonaa maamulka gobolka Karkaar, kan demada Qardho, isimmada, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM