​Madaxweyne Gaas oo dhisaya golaha deegaanka Dangoroyo

Image

GAROWE, Puntland- Wafdi uu hogaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta tagay degmada Dangoroyo ee gobolka Nugal.

Safarka madaxweynaha oo ay ku weheliyaan Xildhibaano, xubno katirsan golaha wasiirrada iyo maamulka gobolka Nugal, ayaa salka ku haya dhismaha gole deegaan oo degmadaas yeelato.

Socdaalka Gaas, ayaa yimid kadib markii wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo maamulka gobolka Nugaal ku fashilmeen inay xalliyaan khilaafaad soo kala dhexgalay murashaxiin u loollamaysay duqa degmadaas oo saamayn ku yeeshay Xildhibaanada golaha deegaanka Dangoroyo.

Madaxweyne Gaas oo saaka xilli hore degmada tagay ayaa qorshuhu ahaa in galinka hore lasoo afmeero doorashada, balse waxaa wararku sheegayaan inaan wali xal laga gaarin qancinta dadka tabashooyinka horay u qabey.

Wuxuu kulamo gooni gooni ah la yeeshay odoyaasha degmada iyo waxgaradka qaybihiisa kala duwan isagoo kala hadlay sidii loo dhismaha golaha deegaanka degmada islamarkaana la isaga dhaafi lahaa khilaafaadka jira.

Majirto ilaa hadda xal arrintaasi, laga gaaray, balse mas'uuliyiin ku sugan Dangoroyo, ayaa GO u sheegay inay ka rajo ka qabaan xal laga gaaro khilaafaadka hareeyay dhismaha golaha.

Jagada Guddoomiyaha degmada Dangoroyo, waxaa u loollamay labo Murashax oo qura, waana ku salka ku hayo khilaafka jira.

Ragga tartamaya, ayaa lagu kala magacaabaa; Mukhtar Cabdiraxmaan iyo Cabdiqaadir Siciid Cukaash.

Waxaa tirada Xildhibaanadu iminka marayaan 27 mudane, halka ay xaq u lahayd 21.

Dangoroyo, waa degmada kaliya ee gobolka Nugal aan lahayn gole deegaan in muddo ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM