Madaxweyne Gaas oo diidey magacaabista xoghayaha degmada Garowe

Image

25 October,2015 (GO)- Wararka ka imaanaya magaalada Galkacayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas uu diidey magaacibista xoghayaha degmada Garowe.

Wasiirka arrimaha gudaha dowlada Puntland Axmad Cilmi Cismaan ayaa u magacaabey Axmad Yusuf Axmad xoghayaha degmada Garowe maalintii sahley 24 October,2015 balse warar soo baxey saacado kadib ayaa xusaya in madaxweynaha Puntland uusan raali ka aheyn talabadaas madaama qof kale u wadey xilkaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa wasiir ku-xigeenka wasaarada arrimaha gudaha ku amrey in daacada uu ka hadlo islamarkaana buriyo magacaabista wasiirka arrimaha gudaha ku sameeyey xoghayaha degmada Garowe balse wararka ayaa xusaya inuu Qoobdeero kula taliyey Mud. Gaas in wareegto uu soo saaro.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu xilkaan u wadey nin lagu magacaabo Cabdiqafar Shiikh Axmad oo la sheegey iney qaraabo dhow yihiin.

GAROWE ONLINE kala soco warar la xiriira magacabista xoghayahaan iyo ka noqashada lagu sameeyo magacbistii wasiirka arrimaha gudaha Axmad Karaash.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM