​Madaxweyne Gaas oo furay bandhig buug [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta daah furay bandhig Carwo buugeed [Garowe International Book Fair] lagusoo bandhigay 572 kitaab oo isugu jira; Farshaxan iyo buugaag ka sheekaynaya suugaanta iyo dhaqanka Somalida kuwaasoo ay qoreen dad isugu jira Somali iyo Ajaanib ka kala yimi daafaha dunida.

Bandhigan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa lagu qabto magaalo madaxda Puntland, ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno katirsan dowladda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, wuxuuna socon doonaa muddo ku saddex maalin ah.

Qorshaha buugtan lagusoo bandhigayay waxaa iska kaashaday Machadka Cilmi baarista ee SIDRA iyo Maktabadda daabacda buugta ee SCANSOM.

Xafladda daah furka oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Garowe, waxaa qorayaasha buugtan dadweynaha usoo bandhigeen waxybaaha ay la yimaadeen carwada iyo arrimaha ay diiradda saareen, waxaan qayb kamid ah ajaanibta goobta la yimaadeen Kitaabo ka hadlaya suugaanta gaar ahaan maah-maahyada.

Qorayaashan buugtooda lasoo bandhigay waxaa ka mid ahaa; Maxamed Farax Cali Idaajaa, Macallin Goergia oo u dhashay dalka Ruushka iyo Lidwein oo kasoo jeeda dalka Ingiriiska iyo xubno kale oo kasocday bulshada Somalida ayaa madas

Guddoomiyaha Machadka SIDRA Guuleed Saalax Barre ayaa sheegay in bandhiggan uu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa Garowe lagu qabto wuxuuna u mahad-celiyay qorayaasha iyo dadkii isku howlay inuu qabsoomo bandhigan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweeyay bandhigan wuxuuna shacabka ugu baaqay inay ku dhiiradaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen daabacaddaasi isagoo ballanqaaday inay buugta lasoo bandhigay u gadi doonaan mad-bacadda Puntland ee Garowe.

31-da bishan ayaa lagu wadaa in lasoo afmeero bandhigan oo muddooyinkii u dambeeyay laga dareemayay caasumadda Puntland ee Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM