Madaxweyne Gaas oo ka hadlay kormeer uu ka sameeyay Galkacyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

23 December, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland ayaa maanta kawarbixiyay kormeer uu ku tagay qaybo kamid ah magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, wuxuuna sheegay in degmada ku socoto wadadii hormarka isagoo xukuumadihii soo maray Puntland ku dhaliilay inaysan wax badan ka qaban magalada.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, oo arrimahan ka hadlay xilli uu soo daahfuray dhismayaal ganacsi oo laga hirgaliyay magalada Galkacyo ayuu sheegay in suuqa xero Dayax lagu sameeyay isbadal muuqda.

Gaas ayaa tilmaamay inay meel wanaagsan marayaan dhismaha xarunta Madaxtooyada Galkacyo, xarumaha wasaaraddaha qaybtood, wuxuuna guddi dowladdu u xilsaartay howshaasi ku ammaanay qaabka u guteen.

Bulshadii ka soo horjeeday dayactirka suuqa iyo hormarka Galkacyo ayuu Madaxweyne Gaas sheegay maanta inay u heellanyihiin hormarka magalada isla markaana u mahacelinayaan dadkii ay shalay ka soo horjeedeen.

Wajiga koowaad ee dayactirka Galkacyo ayuu xusay in halkaas ku egyahay balse wixii dhiman looga fadhiyo shacabka dowladduna baritaari doonto.

Wuxuu sheegay howsha dowladdu ka billoowday xarunta gobolka Mudug inaan lagu ekayn doonin Galkacyo balse lagu xijin doono magaalooyinka kale ee isbadalka u baahan isagoo carrabka ku dhuftay magalada Bosaso.

Puntland ayuu tilmaamay Gaas inay noqon doonto goob wanaagsan oo loo dalxiis tago kadib marka loo sameeyo waddooyin, garoomo iyo dekedo.

Madaxweynaha Puntland iyo qaar kamida xukuumaddiisa ayaa muddo ku sugnaa gobolka Mudug, waxayna wadeen qorshe loogu yeeray dib u hagaajinta magalada iyo burburinta dhismayaasha sida sharci darrada looga dhisay degmadaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM