Madaxweyne Gaas oo kala diraya golaha degaanka degmada Eyl

Image

July 22,2015 (GO)- Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey inuu socdo qorshe madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas damacsan yahay inuu ku kala diro golaha degaanka degmada Eyl.

Golaha degaanka degmada Eyl oo aan wax is-qabqabsi ah dhexdooda ka jirin ayaa waqtigooda doorashada kaga egyahay sanadka soo socda bishiisa Jun,2016.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo lagu raadinayo in lagu magacaabo wareegto gudoomiye degmo ee cusub uu ka socoto xafiiska madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa horey u kala direy inta badan golayaasha degaanka magaalooyinka waaweyn ee Puntland marka laga reebo golaha degaanka degmada Qardho.

Dhismaha golayaasha degaanka degmooyinka Garowe iyo Bosaso oo madaxweyne Gaas kala direy dhowaan ayaa muddadii 45 cisho aheyd ee uu u qabtey la dhaafey iyadoo aysan socon dhaqdhaqaaqyo lagu soo dhisayo maamuladaas.

Dhismaha iyo jiritaanka golayaasha degaanka Puntland ayaa qodob muhiim u ah madaama mashaariicda horumarineed ee hay'adaha caalimaga bixiyaan ku xiran tahay. HALKAN KA AKHRI

Dadweynaha Puntland gaar ahaan kuwa degan degmaooyinka Garowe iyo Bosaso ayaa hadal haya dib u dhac ku yimid dhismaha golayaasha degaanka dhowaan la-kala direy iyagoo wax iska waydiinaya halka ay ku dambeynayn doonaan mashaariicdii horumarineed ee ka socdey magaalooyinkas kuwasoo hakad ku jira.

GAROWEONLINE kal soco wararka la xiriira ka warqabka dhismayasha golayasha degmooyinka Puntland.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM