Madaxweyne Gaas oo la kulmay madaxda Hay'adaha UN-ka.

Image
Image

January 21 , 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan kula qaatay madaxtooyada Puntland ee Garoowe madaxda Hay'addaha UN-ka ee ka howlgala Puntland.

Kulankan oo uu shir gudoominayey madaxweyne Gaas ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Camey iyo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Cali Axmed Faatax.

Muhiimada shirka ayaa ahaa xoojinta iskaashiga wada shaqeyn ee ay hay'adahaasi la leeyihiin dawladda Puntland iyo sidookale soo bandhigada waxqabadkoodii sanadkii tagey ee 2014 iyo qorshayaasha horumarineed ee u dagsan sanadkaan cusub ee 2015.

Mudadii uu socday kulanka ayaa waxaa la is dhaafsaday su'aalo ku aadan waxqabadka hay'adahaasi ka fuliyeen Puntland iyo hadii ay jireen waxyaabo caqabada ah oo ka hor istaagay shaqadooda, balse waxaa ay cadeeyen in ay san jirin wax dhib ah oo ay la kulmeen.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Camey ayaa kula dardaarmay madaxda Hay'addaha UN-ka in ay ku dadaalan bixinta canshuuraha waajibka ku ah.

Si kastaba kulankaas ayaa ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad, iyagoo madaxda ka tirsan hay'adaha ay dhankooda sheegeen in ay kor u qaadayaan hawlahooda hormarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM