Madaxweyne Gaas oo la kulmay Odoyaal dhaqameed ka socda DDSI

Image
Image
Image
Image

17 November, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland ayaa maanta la kulmay Odoyaal dhaqameed ka socda dowlad deegaanka Somalida Ethopia, kuwaasi oo qayb ka ah waxgarad ku hawlan sidii loo soo afjari lahaa colaad muddo ka dhex taagnayd beelo ood wadaag ah oo wada daga Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, oo qado sharaf u sameeyay Odoyaasha, ayaa uga mahad celiyay dadaalka u galeen sidii beelaha loo hishiisiin lahaa, wuxuuna tilmaamay in Puntland iyo DDSI ka dhaxeeyso xiriir soo jireen ah.

Waxgaradka ayaa dhankooda xusay inuu meel wanaagsan marayo dhammaynta colaadda taagnayd muddo dhan 10 sanno, waxayna sheegeen in guul laga gaari doono arrintaasi oo dhawaan laga soo saaray hishiis nabadeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM