Madaxweyne Gaas oo la kulmay qaar ka tirsan odayaasha Nugaal

Image

GAROWE Jan 19,2015 [GO]- Kulan casho ah oo ay soo qabanqabisay dowladda hoose ee degmada Garowe ayaa caawa Hotel Rugsan ku dhexmaray Madaxweynaha Puntland  iyo qaar ka mid ah nabadoonada iyo wax garadka Gobolka Nugaalka.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka tirsan xildhibaanada iyo wasiirada kasoo jeeda Gobolka Nugaal waxaana looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan caasimadda.

Arimaha ugu waa weyn ee laga xusey goobtii kulankaan ka dhacey waxaa ka mid ahaa waxyeelada Qaadka, dhibaatada ka timaada isku qabsiga dhulka, Amniga caasimadda iyo qodobo kale.

Waxaa sidoo kale aad looga hadlay mushaar la'aanta saameysay shaqaalaha iyo ciidamada dowladda iyada oo madaxweynaha Puntland laga codsaday in arintaas xukuumaddiisu jawaab ka bixiso. 

Inta uu socdey kulankan qaar ka mid ah odayaasha Gobolka Nugaal ayaa sharaxad dheer ka baxshey mushahar la'aanta ka jirta Puntland gaar ahaan caasimada sida ay u saameysay qoysaska ciidamada iyo shaqaalaha dowlada.

Odayaashaan ayaa sheegey in askarta iyo shaqaalaha dowlada caruurtooda laga soo eryey iskuuladii ay dhiganayeen kadib markii bixin waayeen kharashka billaha ahaa ee laga qaado ardeyda halka ganacsatada ka joojisay dhamaan deymankii ay siin jirtey qoysaskaas.

"Guuxa weyn baa ka jira dalka waana mushahar la'aanta, wasiirka maaliyada Puntland waxaa uu sheegey in dakhliga loo baahnaa dalka soo galey marka sababta loo bixin waayey mushaharka dowlada ayaa laga rabaa iney jawaab ka bixiso" sidaas waxaa yiri odey ka hadley kulankaas. 

Madaxweynaha Puntland oo ka hadley kulankaan ayaa ugu dambeyntii qirey in mushahar la'aanta tahay mid jirta islamarkaana sabab ugu dhigey dakhliga dalka soo gala oo yar iyo dagaalada ciidamada kaga jiraan buuraleyda Galgala.

Howlgalka ciidamada dowlada Puntland buuraha Galgala ka saarayeen kooxda Al-shabaab ayaa bilowdey October 2014. Ciidamada ku sugan jiida hore ee Galgala wararka laga helayo ayaa sheegaya inuu ka maqan yahay mushaharkii bishii December 2014.

Dhinaca kale madaxweynaha dowlada Puntland ayaa ka hadlay amniga dalka inuusan wanaagsaneyn markii uu xafiiska la wareegey isaga oo sheegey in Puntland Boolis rasmi ah oo la isku haleyn karo uusan ka jirin.

"Waxaa jirey ciidamo Birmad ah oo uu xakumo Gen. Muxayadiin [ Taliyaha ku-xigeenka ciidamada Booliska] kuwaasoo aad u hubeysnaa una guur guuri jirey hadba magaalo, ciidamada Booliska ma qalabeysneyn, hada waxaan siiney qalab iyo hub." ayuu yiri Madaxweyne Gaas oo sharaxaad ka bixinaya amniga ay ku sugan tahay Puntland.

"xilka markii aan la wareegney waxaa wadanka oo dhan taaley barro kontrool oo sharci daro ah iyadoo gadiid kuwa xamuulka qaada la kala haystey" ayuu yiri madaxweynaha Puntland isaga oo hadalkiisa sii wata.

Magaalooyinka Bosaso iyo Galkacayo ayaa sanadkii 2014 iyo 2015 waxaa ka dhacey falal argagixiso kuwaasoo lagu diley saraakiil ama dad kale oo shacab ah halka xarumaha idacadaha iyo saldhigyada boliska qaarkood lagu tuurey qaraxyo. 

Kulankaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey uu la qaato madaxweyne Gaas qaar ka tirsan odayaasha dhaqanka iyadoo dadka siyaasada la socda sheegayaan iney kadib markii shacabka gobolada kale Puntland su'aalo iska waydiiyeen qaabka dowlada u maamuleysa hogaaminta dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM