​Madaxweyne Gaas oo la shiray golaha deegaanka degmada Galkacyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweynaha Puntland ayaa maanta magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug kulan kula qaatay xubnaha cusub golaha deegaanka degmadaasi waxayna kawada hadleen arrimo ku aadan hormarinta xarunta gobolkaasi.

Shirka labada dhinac oo ka qabsoomay xarunta madaxweyne Gaas ka daganyahay magaalada Galkacyo ayaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa amniga islamarkaana loogu istaagi lahaa isbadal ku yimaada degmada Galkacyo.

Madaxweyne Gaas ayaa golaha cusub ku tilmaamay kuwii ka saari lahaa marxaladda adag ee hadda ku jirto, wuxuuna u rajeeyay shaqo fiican isagoo kula dardaarmay inay ka fogaadaan waxyaabaha dib u dhaca ku keeni kara shaqadooda.

Shirka madaxweyne Gaas ee golaha deegaanka degmada Galkacyo ayaa yimi iyadoo maalinta Sabtida ee Foodda nagu soo haysa loo ballansanyahay inay qabsoonto doorashada Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa, waxaana hadda magaalada kasocda loollan loogu jiro jagooyinkaasi.

Qaar kamid ah murashaxiinta xilkan isu taagay ayaa maanta shir la qaatay golaha cusub waxayna kala hadleen doorashooda iyo inuu mid walba yahay kii degmada wax u qaban lahaa.

Horay waxaa u fashilmay Guddomiyihii la doortay waxaana kasii horeeyay oo is-casilay ku-xigeenkiisii kasoo sheegay inuu fulin waayay waxyaabihii uu bulshada u ballan qaaday.

Madaxweyne Gaas ayaa lagu eedeyey ku mashquul sanananta dhismaha golahaaan xilli gobolada Sool, Sanaag degaanada ay arimiso Puntland maamulka Somaliland Ka bilaabey diwaangalinta doorashada iyo kulano uu la qaadanayo beelaha degaanadaas. Halkan ka akhriso 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM