Madaxweynaha Puntland oo casumaad u sameeyey Dr. Farole

Image

07 August,2015 (GO)- Wararka Garowe online soo garaya ayaa xusaya in madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas qado sharaf ugu sameeyey aqalka madaxtooyada Puntland madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Shiikh Maxamad "Farole".

Qado sharaftaan ayaa timid maalmo kadib markii madaxweynaha Puntland soo booqdey aqalka madaxweynihii hore Farole ka dagan yahay magaalo madaxda Garowe.

Qadadaan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ahaa safiirkii Somalia u fadhiye jirey wadanka Kenya Maxamad Ali Nurr [ America] oo booqasho ku jooga Puntland.

Madaxweynihii hore ee Puntland oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Garowe dhamadkii bishii July,2015  ayaa booqashadiisu salka ku haysay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid AHN xaaskiisa Aamino Abiib.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM