Madaxweynaha Puntland oo degmada Qardho soo gaarey

Image

November 26, 2014 (GO)- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gaarey degmada Qardho ee xarunta gobolka karkaar.

Si diirran ayaa wafdigaas Qardho loogu soo dhoweeyey halkaasoo ay maanta sii joogayaaan beri subaxna dhanka Bosaso uga sii gudbi doonaan.

Booqashada Madaxweynaha Puntland ee Bosaso waxay salka ku haysaa dhowr arimood waxaana ugu muhiimsan: u-kuur-gelidda xaaladda ciidamada ku sugan jidda Galgala iyo muran ka taagan dhismaha garoonka diyaaradaha ee Bosaso.

Cabasho xoogan ayaa bilihii u dambeeyey kasoo yeereysey ciidamada qalabka sida gaar ahaan ciidamada daraawiishta ee ku sugan buuraleyda Galgala oo ka cabanaya in muddo bilo ah aan wax mushaharaad ah la siinin.

Dhanka kale Gaas ayaa xal u raadin doona muran ka dhashay qandaraasyada loojistikada ee ay bixineyso shirkadda dhiseysa garoonka Bosaso (CCECC), qandaraasyadaas oo kala ah: keenista dhagaxa la saarayo dhabaha diyaaraduhu ku ordaan, biyaha iyo cuntada waxaa isku haysta dhowr shirkadood oo yar yar kuwaasoo qaarkood horay dowladu ogolaansho u siisay.

Ila wareedyo ka agdhow madaxtooyada  ayaa GO u sheegay in Madaxweynaha Puntland usoo dacwoodeen maamulka shirkadda (CCECC), kuwaasoo ka dalbaday in Dowladdu arinta soo farageliso si mashruuca dhismaha garoonka si dhaqso ah loogu bilaabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM