Madaxweyne Gaas oo sarakiishiisa kala hadlay mudaharaadka xabsiyada Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo noqdey magaalada Garowe maalintii shaley 24 May, 2016 kadib markii uu ka soo qayb galay shir loogu qabtey qaar ka tirsan isimada xarunta Karkaar ayaa waxaa uu kulamo deg deg ah la qaatey saraakiisha dowlada.

Kulamadaan ayaa sida Wararka uu ku helayo warsidaha Garowe online diirada saarayey shaqo joojinta ay sameeyeen ciidamada Asluubta Puntland kadib markii askarta lasoo gudboonaatey mushahar la'aan halka maxaabiista ku xireyd xabsiyada raashinku gabaabsi ka noqdey kadib markii dowlada bixin wayday kharashaadkii loogu adeegii lahaa.

Warsidaha GO ayaa fahansan in Madaxweyne Gaas la kulmay maanta galinkii hore iyo galinkii dambe Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Cadaalada iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Asluubta Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa wararku sheegayaan in Wasiirka Maaliyada amar ku siiyey inuu bixiyo kharashaadka lagaga leeyahay ciidamada Asluubta halka ciidamada xabsiyada ilaaliyaa cabasho ka muujiyeen arimahaan soo noq-noqanaya in ay hortaagan tahay howlihii loo igamdey. .

Ciidamada Asluubta ayaa mudahraad ku jirey muddo asbuuc ah kuwasoo ka cabanayey mushahakooda  iyo canto la'aan la soo gudboonaatey maxaabiista gacanta ku hayaan. 

Mushahar la'aanta ciidamada Puntland ayaa muddo labo sano iyo bar gudahood dhacdey muddo 5 goor ah taasoo ciidamada sameeyaan gadoodyo noocaan oo kale ah marka arimahaan oo kale lasoo gudboonaadeen.

GAROWEONLINE kala soco wrarka la xiriira mushahar la'aanta ciidamada Asluubta Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM