Madaxweyne Gaas oo tagay degmada Qardho gobolka Karkaar

Image
Image
Image
Image
Image
Image

05 January, 2016(GO)-Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagay magalada Qardho xarunta gobolka Karkaar, waxaana soo dhaweyn u sameeyay bulshada ku dhaqan degmada iyo shacabkooda.

Wafdiga, waxa qayb ka ah gudoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi, xubno katirsan golaha wakiillada iyo saraakiil kale.

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa xarigga kajaray dhismaha xarunta Madaxtooyada Qardho isagoo dhagax dhigay xarunta gobolka, wuxuuna ka qayb galay aas loo sameeyay sarkaal ku geeriyooda howlgal ay kasamaynayeen gobolka Karkaar iyo labo qof oo shacab ah.

Wafdigan ayaa kusii jeeda magalada Bosaso xarunta gobolka Bari, waxayna ka qayb galayaan furitaan garoonka degmadaasi oo xarigga laga jari doono 08 January 2016.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM