Madaxweyne Gaas oo tagay degmada Qardho gobolka Karkaar

Image
Image
Image
Image
Image
Image

05 January, 2016(GO)-Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagay magalada Qardho xarunta gobolka Karkaar, waxaana soo dhaweyn u sameeyay bulshada ku dhaqan degmada iyo shacabkooda.

Wafdiga, waxa qayb ka ah gudoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi, xubno katirsan golaha wakiillada iyo saraakiil kale.

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa xarigga kajaray dhismaha xarunta Madaxtooyada Qardho isagoo dhagax dhigay xarunta gobolka, wuxuuna ka qayb galay aas loo sameeyay sarkaal ku geeriyooda howlgal ay kasamaynayeen gobolka Karkaar iyo labo qof oo shacab ah.

Wafdigan ayaa kusii jeeda magalada Bosaso xarunta gobolka Bari, waxayna ka qayb galayaan furitaan garoonka degmadaasi oo xarigga laga jari doono 08 January 2016.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM