Madaxweyne Gaas oo u ambabaxaya Muqdishu, dib u dhac safarka Dubai

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa maanta u ambabaxaya magaalada Muqdishu isagoo halkaas kaga qayb galaya shirka madaxda Somalida. 

Safarka maaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku wehelin doona Wasiiro ka tirsan xukuumadiisa.

Kulanka Muqdishu ee madaxda Somalida ayaa lagaga hadli doona jadwalka doorashada ee Somaliya madaama u dhamaadey murankii ka taagnaa heshiiska doorasho ee Somaliya.

Dhinaca kale waxaa dib u dhac ku yimid safar Madaxweyne Gaas ku tagi lahaa wadanka Imaraadka Carabta sababo aan la sheegin.

Wararka warsidaha GO soo gaaraya ayaa sheegaya in dib u dhacaan uu keeney in Madaxweyne Gaas rabo inuu xaliyo khilaaf sii kordhaya ee u dhexeeya Isimada Puntland.

Isimada Garowe kulanka ku yeeshay ayaa rumeysan in shirka magalaada Qardho ku lug leedahay xukuumada Puntland balse is qarineyso.

Warsidaha GO oo horey u shaaciyey safarka maaxweynaha Puntland ee Dubai Halkan Ka Akhri ayaa xusey in safarada dibada ee Mudane Gaas caqabad ku noqdeen misaaniyada dowlada halka ay dayacmeen howlihii madaxa u sareeya Puntland ka qaban lahaa gudaha dalka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM