​Madaxweyne Gaas oo wufuud Bosaso kusoo dhaweeyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO- Wufuud kasocota dowladda Talyaaniga, urur goboleedka IGAD iyo dowladda Federalka Somalia, ayaa maanta gaaray magalada Bosaso xarunta gobolka Bari, waxaana kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntland iyo xubno katirsan golayaasha dowladda.

Mas'uuliyiinta Bosaso gaaray ayaa kala ah; safiirka Talyaaniga ee Somalia, Xoghayaha urur goboleedka IGAD iyo wasiirka duulista iyo gaadiiska Somalia.

Socdaalka xubnaahaasi, ayaa la xiriirta dhamaystirka dhismaha garoonka diyaaradaha magalada Bosaso oo lagu wado in maalinta barri ah la dhagax dhigo wajigiisa labaad.

Madaxweynaha Puntland oo soo dhaweyn kadib warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada magalada Bosaso, wuxuuna sheegay in socdaalka wafdigan la xiriirto dhismaha wajiga labaad garoonka diyaaradaha xarunta ganacsiga Puntland isagoo uga mahadceliyay doorka beesha caalamku ku lahayd dhismaha madaarka Bandar-qaasim.

U qaabilsanahay Talyaaniga ee dalka Somalia Mr. Fabrizio  Marcelli iyo Xoghayaha urur goboleedka IGAD Maxbuub Macallin, ayaa warbaahinta u sheegay inay ku faraxsanyihiin imaanshiyaha xarunta ganacsiga Puntland, waxayna tilmaameen inay u yimaadeen ka qayb galka dhagax dhiga qaybta labaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha magalada Bosaso.

Garoonka qaybta ka dhiman, ayaa lagu wadaa in maalinta barri ah la dhagax dhigo, waxaana magalada Bosaso laga dareemayaa qaban qaabada arrintaasi iyadoo aad loo adkeeyay amniga, waxaan dhaqaalaha ku baxay wajiga labaad ee garoonka oo lagu qiyaasay 20 Milyan ku deeqday dowladda Talyaaniga oo dhaqaale ka helaysa Sanduuqa Global Fun, halka IGAD iska leedahay keenista iyo la socodka lacagtaasi maadama ay dammaanad qaaday xilligii garoonka la furayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM