​Madaxweyne ku-xigeenka oo ka qayb galay isu-soobaxa Bosaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO- Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 25-Feb-2016 waxaa uu magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari kaga qayb galay isu-soobax roobdoon ah, kaas oo EEBBE lagaga baryayey in uu ka dulqaado abaaraha saameyey  guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland isla markaana ugu beddelo raxmaadkiisa khayrka qaba.

Isu-soo baxaas roob doonta oo ah oo lagu qabtay garoonka kubbadda cagta ee Boosaaso ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Isimo maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, culumaa’udiin iyo kumannaan dadweyne ah, kuwaas oo dhammaantood isugu soo baxay siday ilaahay uga baryi lahaayeen inuu ka feydo abaaraha dabada dheeraaday ee ka jira Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey  oo la hadalayey kumannaankii dadweynaha ahaa ee isu soo baxa roobdoonta kasoo qayb galay ayaa kula dardaarmay inay ilaahay u toobad keenaan, isla markaasna cafis weydiistaan si uu ugu naxariisto.

Camay, ayaa sidoo kale ku boorriyey guud ahaan shacabka Puntland inay isu naxariistaan isla markaana ka fogaadaan waxyaabaha macsida ee keenaya carada ALLE.

Ku-xigeenka Madaxweynaha, ayaa sidoo kale Ilaahay  uga baryey guud ahaan ummadda Somaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland meelkastoo ay joogaan inuu uga gar-gaaro abaaraha ba’an ee waxyeelleeyey dadkii iyo duunyadiiba, isla markaasina uu ka waraabiyo raxmaadkiisa khayrka qaba.

Isu-soobaxan maanta lagu qabtay Bosaso, ayaa ahaa mid hore u iclaamisey Wasaaradda Caddaaladda Puntland in uu ka qabsoomo dhammaan gobollada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM