Ku xigeenka Puntland : Dadkaas waa laga maadeystaa Hargeysa"

Image

GAROWE, Puntland- Madaxwayne ku-xigeenka Puntland Eng: Cabdixakiim Cabdilaahi Xaaji Cumar Camay waxaa uu ka hadlay arimaha dhulalka laysku haysto iyo xiisada u dhaxaysay iyaga iyo maamulka Somaliland.

Camey waxaa uu sheegey in dhulka Puntland dadka ay ku heli karaan marka ay maraan sifo sharci ah, waxaana uu ka digay dadka dooxooyinka cagafta galinaya ee iska dhisanaya, isagoona ciidamada dowladda ku amray inay howsha noocaas ah ganacta ku dhigaan.

Kusimaha Madaxwaynaha Eng: Camey ayaa tilmaamay in Hargaysa laga maadaysto, dowlada Puntland ay ka wayn tahay inay daba gasho maamulkaasi, balse uuna boosna uga banaanayn cid waliba oo doonaysa inay qalalaaso ka dhex abuurta shacabka iyo dowladda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wax aan hadda tixraaco oo aan ka hadlo ma jirto, ragga qaar hadlayay waxay ila tahay Hargaysa waa lagu maadaystaa, anaguna nin maadaystaa hadalkiisa inaan dabagalno Puntland way ka kotay, waxaan leeyahay dadka raba qaska keenaan Puntland inay meelina uga banaanayn” ayuu yiri Camey.

Xuduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland, ayaa inta badan waxa ka taagan muran badan, waxana labada dhinac mid waliba kan kale ku eedeeyaa inuu haysto dhul aanu xaq ulahayn, taas oo keenta in gacan ka hadal yimaaddo mar-marka qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM