Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo guddi xalin khilafaad magacaabey [AKHRI]

Image

GAROWE - Kadib markii qaar ka tirsan musharaxiinta xilka Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenka Gaas Cabdixakim Camey ku gacan seyreen guddiga xalinta khilafaadka ayaa waxaa la magacaabey xubno kale.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gurigiisa caawa fiidkii ugu yeerey saxaafada waxaa uu soo saarey guddi cusub kaasoo lagu magcaabey mid xalinaya khilafaadka beelaha soo magacabaanaya xildhibanaada.

Waa markii ugu horeysay taarikhda Puntland Madaxweyne ku xigeen soo saaro guddi xalin khilaaf isagoo ka horyimid go’aanka Madaxweynaha ay xilka soo wada-hayeen mudada Shanta sano ah.

Camey iyo Cabdiweli Gaas ayaa khilaafkoodu taagnaa mudooyinkaan dambe taas oo wax yeeshey wada-shaqeyn tooda.

Lama oga go’aanka musharaxiinta xilka Madaxweynaha Puntland ka qaadan doonaan go’aanka ku xigeenka ku magacaabey guddigaan.

20 sano uu jirey maamulka Puntland waxaa guddiga xalinta khilafaadka magacaabi jirey Madaxweynaha balse waxay ku kala duwanaayeen xubnaha xilka haya iyo madaxdii hore waxaa jirey wadshaqeyn u dhexeysay hay’adaha dowliga ah iyadoo dhinaca kale  xubnaha musharaxiinta ku  qanci jireen xubnaha lasoo magacaabo. 

Puntland ayaa ku guuldareyaatey iney doorasho Hal Cod iyo Hal Qof ah u gudubto Labaatankii sano ee lasoo dhaafey iyadoo siyaasiyiinta iyo shacabka dagan maamulkaan aysan oa shaqeyn sidii  go’aan uga gaari lahaayeen cidda raamiga ah ee xaqa u leh magacaabista guddigaan kaasoo aysan jirin xeer Dastuuri ah oo qeexaya. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM