​Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo su'aalo lagu weydiiyay kalfadhi u furmay Barlamanka

Image

GAROWE- Waxaa maanta magalada Garowe caasumadda Puntland, ka furmay kalfadhi aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo xaaladda abaaraha islamarkaana lagu ansixinayo guddiga doorashooyinka Puntland ee dhawaan la magacaabay.

Kalfadhiga, waxaa furay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, isagoo u jeediyay mudanayaasha khudbad uu diiradda ku saaray amniga iyo abaaraha ka jira dhammaan gobollada.

Furitaan kadib Barlamanka ayaa su'aalo ka weydiiyay madaxweyne ku-xigeenka arrimo ku aadan abaaraha iyo qaadashada nidaamka, kaasoo Xildhibaanadu sheegeen in la qaatay iyadoo aan wax latashi ah laga sameeyay shacabka iyo golaha sharci dajinta Puntland.

Dhinaca kale, waxaa mudanayashu galeen dood ku aadan ansixinta xubnaha guddiga doorashooyinka Puntland oo ka kooban 9, kuwaasi oo Afar kamid ah dhinaca Afhayeenka Barlamanku soo xulay halka shanta kale Madaxweyne Gaas soo magacaabay, waxaana sidoo kale weheliya xoghaynta guddiga.

Faah faahinta Warkan goordhaw ayaan idiin soo gudbin doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM