​Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo su'aalo lagu weydiiyay kalfadhi u furmay Barlamanka

Image

GAROWE- Waxaa maanta magalada Garowe caasumadda Puntland, ka furmay kalfadhi aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo xaaladda abaaraha islamarkaana lagu ansixinayo guddiga doorashooyinka Puntland ee dhawaan la magacaabay.

Kalfadhiga, waxaa furay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, isagoo u jeediyay mudanayaasha khudbad uu diiradda ku saaray amniga iyo abaaraha ka jira dhammaan gobollada.

Furitaan kadib Barlamanka ayaa su'aalo ka weydiiyay madaxweyne ku-xigeenka arrimo ku aadan abaaraha iyo qaadashada nidaamka, kaasoo Xildhibaanadu sheegeen in la qaatay iyadoo aan wax latashi ah laga sameeyay shacabka iyo golaha sharci dajinta Puntland.

Dhinaca kale, waxaa mudanayashu galeen dood ku aadan ansixinta xubnaha guddiga doorashooyinka Puntland oo ka kooban 9, kuwaasi oo Afar kamid ah dhinaca Afhayeenka Barlamanku soo xulay halka shanta kale Madaxweyne Gaas soo magacaabay, waxaana sidoo kale weheliya xoghaynta guddiga.

Faah faahinta Warkan goordhaw ayaan idiin soo gudbin doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM