Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo tagey magalaada Galakacayo

Image

GALKACAYO- Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa booqasho ku tagey magalaada Galkacayo iyadoo wararku sheegayaan in uu halkaas kula kulami doono Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Safarka Camey ayaa sida warsidaha GO Wararka ku helayo la xiriira xiisado u dhexeeya qabaa'ilada wada daga gobolka Mudug.

Camey ayaa waxa inta uu joogo Galkacayo kulamo la qaadan doono odayasha gobolka isaga oo dhinaca kale uu kuurgali doono howlaha gobolka ka socda.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa weli ka aamusan qarax maalintii Ciida lala beegsadey dad ka kooban askar yo shacab tuulada Af-urur halka soo ku dhinteen 7 qof halka dhaawacu gaarayo 42 ruux.

Dowlada Puntland ayaa horey si Khalad ah uga hadashey qarax horey loola beegsadey Af-urur kasoo ay ku dhinteen dad gaaraya 40 qof halka 100 dhaawacu kor I dhaafey.

Madaxweynaha Puntland ayaa maalmo kadib ka hadlay qaraxaas isagoo tacsi u direy eheladii dadkii waxyeeladu kasoo gaartey weerarkaas.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM