Madaxweyne kux-geenka dowladda Puntland oo ka hadlay Shirka Nabadda ee PDRC

Image

Garoowe - Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta furay Shirka sanadlaha ah ee Nabadda oo ay qabato Xarunta Horumarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee (PDRC).

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey Shirka iyo dadaalka Hay’adda PDRC ee ku aadan joogteynta ka shaqeynta Nabadda iyo isu keenista dadka Soomaaliyeed ee waxgalka ah ee isugu yimi Shirka, isagoo la wadaagay in fursadan looga dhex doodo xal u helista xaaladda Soomaaliya.

Shirka Nabadda ee PDRC oo socon doona saddex cisho, ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa isbadalka Cimilada Nabadda & Amniga Tubta Muqtaqbal Nabdoon oo adkaysi leh.

Waxaa Shirka ka qeybgalay, Goloyaasha Dowladda, Diblumaasiyiin ka socda Europe, Siyaasiyiin, Cilmibaarayaal ka kala yimi Dal iyo Dibad, Ururada Bulshada Puntland, Dhaqanka, Haweenka, dhallinyarada, Warbaahinta Puntland iyo weriyayaal iyana laga casumay Gobollada kale ee dalka iyo dibadda iyo marti sharaf kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM