Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo gaarey Buurtinle [ Dhageyso]

Image

Sept 25, 2015 (GO)- Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Xaaji  “Camay” ayaa maanta gaaray degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Camay ayaa la sheegay in safarkiisu la xiriiro xaalada colaadeed ee ka taagan degaanada baadiyaha ah ee ku xeeran degmada Buurtinle halkaasoo maalmihii lasoo dhaafey dirir ku dhexmareysay labo beelood oo walaalo ah.

Xukuumada Puntland ayaa talaabo wax ku ool aan qaadain tan iyo intii ka horeysay markii dagaalo dad badan ku dhintey  dhexmareen labada belood oo wada daga dhul daaqsimeed u dhexeeya Puntland iyo degaanka Somalida Ethiopia.

Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo noqdey Galkacayo maalintii shaley ayaa sheegey in madaxweyne ku-xigeenka uu u  xilsaarey xalinta arrimaha ka dhexeeya beelaha dirirtu dhexmareyso.

Lama oga in madaxweyne ku-xigeenka tagayo tuulada Qoriley halkaasoo dagaalkaan uu sbaabey in dad badan ku dhinteen oo gaaraya 15 ruux kuwaasoo u badnaa dad xoolo dhaqato ah.

Gudoomiyaha gobolka ayaa Radio Garowe u sheegay inay suura gal tahay ayaa ugu waramey xaalada degaanka colaado ka jirto.

Cumar Farawayne ayaa sheegay inay xil iska saarayaan sidii loo damin lahaa dagaalkaasi, isla markaasina ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan dadka deeganka coolaadu dhexmartay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM