Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo gaarey Buurtinle [ Dhageyso]

Image

Sept 25, 2015 (GO)- Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Xaaji  “Camay” ayaa maanta gaaray degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Camay ayaa la sheegay in safarkiisu la xiriiro xaalada colaadeed ee ka taagan degaanada baadiyaha ah ee ku xeeran degmada Buurtinle halkaasoo maalmihii lasoo dhaafey dirir ku dhexmareysay labo beelood oo walaalo ah.

Xukuumada Puntland ayaa talaabo wax ku ool aan qaadain tan iyo intii ka horeysay markii dagaalo dad badan ku dhintey  dhexmareen labada belood oo wada daga dhul daaqsimeed u dhexeeya Puntland iyo degaanka Somalida Ethiopia.

Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo noqdey Galkacayo maalintii shaley ayaa sheegey in madaxweyne ku-xigeenka uu u  xilsaarey xalinta arrimaha ka dhexeeya beelaha dirirtu dhexmareyso.

Lama oga in madaxweyne ku-xigeenka tagayo tuulada Qoriley halkaasoo dagaalkaan uu sbaabey in dad badan ku dhinteen oo gaaraya 15 ruux kuwaasoo u badnaa dad xoolo dhaqato ah.

Gudoomiyaha gobolka ayaa Radio Garowe u sheegay inay suura gal tahay ayaa ugu waramey xaalada degaanka colaado ka jirto.

Cumar Farawayne ayaa sheegay inay xil iska saarayaan sidii loo damin lahaa dagaalkaasi, isla markaasina ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan dadka deeganka coolaadu dhexmartay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM