Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo cafis u fidiyey maxaabiis

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha Puntland siciid Cabdulaahi deni ayaa cafis gaar ah ugu fidiyey shan oday oo Bosaaso loogu xiray arimo Siyaasadeed isla markaan Maxkamada Bosaso dhawaan ku riday xukuno kala duwan xabsi iyo ganaax lacag isugu jira.

Cafiska madaxwayne Deni oo ay shaacisay Madaxtoyada Puntland ayaa sidan u dhigan.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, farqadiisa 11-aad.

Markuu arkay: Qodobka 149-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed

Markuu arkay: Warqadda sumadeedu tahay XIG/DPS/ /2020, kuna taariikhaysan 14/01/2020, ujeedadeeduna tahay Codsi Cafis Gaar ah Maxaabiis Xukuman, kana soo baxday Xafiiska Xeer-ilaalayaha Guud ee Dowladda Puntland

Markuu Tixgaliyay: Xaaladooda Caafimaad iyo waliba mida Da’dooda ee xukumanayaasha hoos ku xusan

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa cafis Madaxwayne oo gaar ah loo fidiyey Xukumunayaasha magacyadoodu kala yihiin sidatan:-

1.1. Muuse Cali Jaamac Ina Caasho Ciise 70 jir ah

1.2. Cabdullaahi Yuusuf Buuxe Ina Faadumo Shire 60jir ah

1.3. Cawad Ceel Maxamed 70 jir ah

1.4. Cabdicasiis Baydhabo Axmed Ina Shamis Siciid 47 jir ah

1.5. Maxamuud Aadan Rooble ina Mumino Maxamud 60 Jir ah

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM