Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo magacaabay mas'uul cusub

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska, sida ku cad wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Cabdifataax Nuur Axmed [Ashkir] oo xilkaas loo dhiibay ayaa waxaa lagu sheegay digreetada oo nuqul kamid ah uu helay Garowe Online in lagu xushay aqoontiisa iyo Khibradiisa shaqo.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADDA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 87 oo ku taariikheysan 28da Oktoobar 2019, ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo Khibradiisa shaqo

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Cabdifataax Nuur Axmed (Ashkir) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Mas'uulka cusub oo hambalyo ku aadan magacaabistan loogu diray meelo kala duwan oo ay bulshadda ku kulanto ayaa waxaa lagu wadaa in dhowaan loo dhaariyo jagada loo magacaabay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM