Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo magacaabay taliyaal ciidan

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu magacaabay taliyeyaal ciidan, sidda ku cad wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, oo ku taariikheysan 6-da October.

Sidda laga soo xigtay digreetooyin taxane ah, saraakiisha oo kahor inta aan loo magacaabin jagooyinka ayaa waxaa loo dalacsiiyey darajadda Gaashaanle Dhexe.

Bashiir Cali Maxamed ayaa waxaa laga dhigay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sanaag, halka Muumin Cabdi Shire loo xushay xilka Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Xubnahan oo lagu xushay "karti, aqoon iyo hawl-karnimo ciidan" ayuu Deni, sida ku xusan wareegtooyinka, u rajeeyay in waajibaadka culus ee loo igmaday ay kasoo baxaan.

Nugaal iyo Sanaag ayaa safka hore kaga jira gobolada ugu muhiimsan ee Puntland dhinac mal walba oo ay ku jiro ammaanka oo xukuumadda ay siineyso ahmiyadda koowaad sidii loo adkeyn lahaa.

Deni ayaa dhowr jeer ku cel-celiyay in ka shaqeynta nabad-gelyadda iyo horumarinta uu maamulkiisa isku wadi doono, isaga oo ku booriyey dadweynaha in ay kaalin weyn ka cayaaraan.

Xukuumadda ayaa mudooyinkii dambe karaar-siisay fulinta qorsheyaasheeda dhanka amniga iyo kobcinta dhaqaalaha, waxaana dhowaan Garowe lagu qabtay Shirka Maalgashiga Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM