Madaxweyne Saciid Deni oo magacaabay Agaasimeyaal Guud

Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland Puntland ayaa magacaabay Agaasimayaal Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa-banaan, sidda laga soo xigtay xafiiskiisa.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADDA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 86 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Agaasimayaal Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa-banaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo tayeynta Hay’adaha Dowladda.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Axmed Cabdalle Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

2. Waxaa Cabdirisaaaq Jaamac Aadan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.

3. Waxaa Sharmaarke Xasan Cali loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

4. Waxaa Maxamed Ciise Cismaan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.

5. Waxaa Eng. Cabdulqaadir Cali Xirsi loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Waddooyinka Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMAAD


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM