Madaxweyne Siciid Deni oo magacaabay xilal cusub

Image
Madaxweynaha ayaa magacaabay shakhsiyaad ka shaqayn doona Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee dawladda.

Garowe, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray wareegto uu xilal ugu magacaabay shakhsiyaad kala duwan oo qaybtood ka shaqayn doona Madaxtooyada iyo hay’daha kale dowladda.

Xilalka ayaa kala ah Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe, iyo Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka Guud.

Madaxweynaha ayaa xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland u magacaabay Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan oo ah nin aqoon-yahan ah oo in muddo ah la soo shaqeeyey hay’adaha caalmiga ah.

Cabdirisaaq Aadan Warsame loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Sidoo kale, Agaasimaha Bangiga Dhexe, ayaa nqoday Khadar Cabdi Axmed oo muddo 20-sano ah ka shaqeynayey bangiyo ku yaal dalka dibadiisa; gaar ahaan bangi ku yaal magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaraadka Carabta.

Dhinaca kale, wareegto ka soo baxdey Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey) loogu magacaabay Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland.

Cismaan ayaa ah khabiir dhinaca maaliyada, wuxuuna muddo badan ka shaqeynayey wasaarada maaliyada iyo hay’ado kale duwan ee caalami ah; gaar ahaan kuwa arimaha dakhli kordhinta ka taageera dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM