Madaxweyneyaal shir saddex-geesood ah ku yeelanaya Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ee Puntland, Jubaland iyo Galmudug ayaa shir saddex-geesood ah ku yeelanaya Boosaaso, sidda uu ogaaday bogga Garowe Online.

Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland, ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ku sugnaa xarunta gobolka Bari.

Sidoo kale, Axmed Maxamed Islaam, hogaamiyaha Jubaland, ayaa la filayaa in uu saacadaha soo aadan ka dego halkaas.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf, madaxweynaha Galmudug, ayaa dhankiisa lagu waddaa in uu madaxdaan ku biiro.

Illo wareedyo ayaa u sheegay GO in madaxda ay shirkooda kaga hadli doonan xaaladda guud ee Soomaaliya si gaar ah ammaanka, siyaasada iyo doorashooyinka soo aadan.

Kulankan saddex geesoodka ah ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan la filayo in doorashada madaxweynaha Gamudug ay ka dhacdo Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xaaf ayaa diidey faragalinta xukuumadda Muqdisho, isagoo guddi kale ka magacaabey magalaada Galkacayo kuna dhawaaqey inuu doorasho kale "oo reer Galmudug u dhan tahay" uu qabanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM