Madaxweyneyaasha Jubaland iyo K. Galbeed oo Garowe kusoo wajahan

Image

April 29, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta kusoo wajahan wufuud ay kala hoggaaminayaan Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shiriif Xasan Sheekh Aadan.

Diyaar-garow xooggan oo ku aaddan soo dhoweynta wafdigaas ayaa xilligan ka socda Garowe, waxaana garoonka diyaaradaha ku sugan mas'uuliyiin badan oo dowladda Puntland ka tirsan.

Magaalo madaxda Puntland ee Garowe waxaa shalay soo gaarey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha Dowladda Federaaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wejiga labaad ee shirka wadatashiga dowladda dhexe ee federaalka iyo dowladaha qaybta ka ah federaalka ayaa ka dhici doona Garowe.

Shirkaas oo wejigiisii koowaad lagu qabtey Muqdisho waxaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo dowladaha gobollada iyo weliba hirgelinta qorsheyaalka higsiga 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM