Madaxweyneyaasha Jubaland iyo K. Galbeed oo Garowe kusoo wajahan

Image

April 29, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta kusoo wajahan wufuud ay kala hoggaaminayaan Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shiriif Xasan Sheekh Aadan.

Diyaar-garow xooggan oo ku aaddan soo dhoweynta wafdigaas ayaa xilligan ka socda Garowe, waxaana garoonka diyaaradaha ku sugan mas'uuliyiin badan oo dowladda Puntland ka tirsan.

Magaalo madaxda Puntland ee Garowe waxaa shalay soo gaarey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha Dowladda Federaaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wejiga labaad ee shirka wadatashiga dowladda dhexe ee federaalka iyo dowladaha qaybta ka ah federaalka ayaa ka dhici doona Garowe.

Shirkaas oo wejigiisii koowaad lagu qabtey Muqdisho waxaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo dowladaha gobollada iyo weliba hirgelinta qorsheyaalka higsiga 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM