Madaxweynihii hore ee PL oo si diirran Garowe loogu soo dhoweeyey [DHEGEYSO]

Image
Image
Image
Image
Image

July 29, 2015 (GO)- Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Farole) ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Soo dhaweynta Dr. Farole waxaa ka qayb qaatay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo isugu jirey wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ciidan, isimmo iyo kumannaan dadweyne ah.

Mudane Cabdiraxmaan wuxuu si kooban dadweynaha ugula hadlay barxadda Garowe, isagoo uga mahadceliyey sida diirran ee ay usoo dhoweeyeen.

"uma imaan inaan cid culeys saaro, uma imaan arrin siyaasadeed...shiddo ma wado cidna shar kulama socdo...waxan u imi booqasho faamilkeyga ah" ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey qorshihiisa ku aaddan doorashooyinka Somalia ee 2016, wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo, isagoo hadalkiisa kusoo koobay in arrintaas ka hadalkeedu ku haboon yahay marka la gaaro 2016.

Booqashadani waa tii ugu horreysey ee Dr. Farole ku yimaado Puntland laga soo bilaabo markii uu xilka wareejiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM