Madaxweynihii hore ee PL oo ka tacsiyeeyey geerida Danjire Bari-Bari

Image

March 28, 2015 (GO)- Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Farole ayaa tacsi u direy ehelada dadkii ku geeriyoodey weerarkii shalay Al-shabaab kusoo qaaddey Hotel Maka Al Mukarrama.

Si gaar ah Farole wuxuu tacsi ugu direy ehelada iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari oo ahaa danjirihii Dowladda Soomaaliya u fadhiyey magaalada Geneva ee xarunta dalka Switzerland.

Dadka weerarka ku dhaawacmay wuxuu Ilaah uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo kana dul qaado dhibka.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa weerarka ku tilmaamay fal waxashnimo ah kana durugsan mabaadi'da saxan ee Islaamka iyo bini aadamnimada.

Weerarkan waxaa sidoo kale cambaareeyey  madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo danjiraha Qaramada Midoobey u jooga Soomaaliya Nicholas Kay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM