Madaxwynaha Puntland oo kormeer ku marey xarumaha wasaaradaha Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo noqdey magalaada Garowe 15 Sept, 2016 ayaa maanta kormeer ku soo marey xarumaha wasaardaha Dowlada ee magaalo madaxda Garowe halkaasoo kula kulmey mas'uuliyiinta xafiisyadaas.

Kormeerka Madaxweyne Gaas ayaa sida lagu qorey Boggs FB ee ku hadla afka xafiiska madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegey inuu salka ku hayey u kuur galka habsami u socodka shaqooyinka ka socda xarumahaasi iyo qaabka ay bulshada ugu adeegayaan masuuliyiinta kala duwan ee ka hawl gala xarumahaasi, kuwaas oo loo igmaday in ay si daacad ah ugu adeegaan dadka iyo dalka.

Wasaaradihii uu saaka Madaxweynuhu kormeerkiisa ku kala bixiyey ayaa waxaa ka mid ahaa Wasaaradda Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah, Wasaaradda Beeraha iyo waraabka, Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha, Wasaaradda Aminga iyo DDR, Wasaaradda Maaliyadda, Hanti dhawrka guud, Hay'adda Qandaraasyada Puntland iyo xarunta guriga Gobolka Nugaal oo uu ka socdey.

Booqashada madaxwynaha Puntland ee wasaradahaan ayaa ku soo beegmeysa xilli habacsanan ba'an ka jirto shaqada wasaardaha Dowlada iyadoo sababtu tahay mushahar la'aan iyo madaxda Dowlada oo aan muddo kor u dhaafeysa sanad aan fariisan xafiisyadooda.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM