Madxweynaha Puntland oo u dhoofey wadanka Ethiopia

Image

GAROWE Feb 8,2015 [GO]- Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa saaka oo Isniin ah u dhoofey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliya Agaasimaha Hay'adda Macdanta iyo Shidaalka, Wasiirka dekedaha iyo Wasiiru dowlaha xiriirka Caalimiga.

Warar hoose oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in ujeedada safarkani la xiriirto kulamo wafdiga Puntland Addis Ababa kula soo qaadan doonaan shirkado shidaal iyo kuwo ganacsi.

Booqashadii ugu dambeysay ee Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas ku tago dalka Ethiopia ayaa waxaa uu heshiis kula soo galey shirkad kamid ah kuwa shidaalka ka baarta badaha. Shirkadaas ayaa war-saxaafadeed lagu daabacey boggeeda ku shaacisey heshiiska halka dowlada Puntland gaar ahaan agaasimaha u qaabislan shidaalka Madaxweyne Gaas uusan ka hadlin.

Dhowaan ayey aheyd markii booqasho Puntland ku yimideen ganacsato u dhalatey wadanka China kuwaasoo fadhigoodu yahay dalka Ethiopia. 

Dadka siyaasada Puntland la socda ayaa horey walaac uga muujiyey safarada is-daba jooga ah ee Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ku tagayo wadanka dibadiisa kuwasoo kharash badan ugu jooga cashuur bixiyeyaasha.

Magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan Boasaso iyo Galkacayo ayaa waxaa kasoo daraya amnigooda halka ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah ka cabanayaan intooda badan mushahar la'aan gaareysa shan bilood. 

 GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM