Magaalooyinka Bosaso iyo Minneapolis oo la mataanaynayo

Image

October 8, 2014 (GO)- Hogaamiyaasha jaaliyadda Soomaalida ee Maraykanka gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaanada Puntland ee ku nool magaalada Minneapolis ayaa wada qorshe lagu mataanaynayo Minneapolis iyo xarunta gobolka Bari ee Bosaso.

Qorshahan oo in muddo ah soo socdey waxaa la filayaa in todobaadkan gudihiisa ay go'aanka ugu dambeeya ka gaaraan xubana golaha deegaanka Minneapolis oo iyadu ah magaalada  jaaliyadda Soomaalida ee ugu badani ku nool yihiin.

Cabdi Warsame oo ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Minneapolis islamarkaana ahaa Somali-American kii ugu horreeyey ee xil noocaas ah qabta ayaa Wargeyska StarTribune uga waramay sida uu u arko qorshaha lagu mataaneynayo labada magaalo.

Wuxuuna sheegay in haddii qorshahaasi hirgalo uu wax badan ka bedli doono xoojinta xiriir aan rasmi ahayn oo horay uga dhex jirey labada dhan qaybna weynna ka qaadan doono in bulshada ku dhaqan labada magaalo si fiican isula jaan qaadaan.

Cismaan Axmed oo isna ah guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga ee Soomaalida Maraykanka ku dhaqan, wuxuu sheegay in mataaneynta labada magaalo fursado ganacsi oo badani ka dhalan karaan, gaar ahaan magaalada Bosaso oo ku fiican dhanka isgaarsiinta suurogalna ay tahay in laga abuuro shirkado isgaarsiineed oo wadaag ah.

Haddii golaha deegaanka Minneapolis ogolaadaan in magaaladaasi la midowdo Bosaso oo ah xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha Puntland, waxay taasi toban ka dhigeysaa tirada guud ee magaalooyinka Minneapolis horay ula mataanoobay.

Xigasho: Startribune

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM