Magacaabista cusub ee golaha wasiirada Puntland oo weli la sugayo
GAROWE 14 June,2015 (GO)- Warar warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in dib u dhac ku yimid magacaabista golaha wasiirada Puntland ee cusub taasoo la filayey in lagu dhawaaqo maanta galinkii hore.
Sababaha dib u dhacaan keeney oo warar kala duwan kasoo baxayaan ayaa sheegaya in weli uu jiro khilaaf ku saabsan xil ka qaadis lagu sameyn lahaa wasiirrada qaarkood kuwasoo aan weli xal laga gaarin.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Gaas ku adkaatey inuu qanciyo beelaha qaarkood gaar aheen beesha Cali Saleebaan oo ka biyo diidan in Wasaaradsa Maaliyadda laga wareejiyo Wasiir Shire Xaaji Farax halka weli uu jiro dhinaca kale khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa.
Xog aan la xaqiijin ayaa sheegeysa in beesha Cali Saleebaan ee uu kasoo jeedo Wasiirka Maaliyaddu ay dalbadeen in loo magacaabo Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Puntland.
Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa waxaa wasiir ka ah Axmad Karaash oo kasoo jeeda gobolka Sool kaasoo la filayo inaan xilkiisa laga qaadin.
Dhinaca kale warar hor dhac oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland wasaarada amniga ku magacaabey Cabdi Xirsi oo horey u ahaan jirey Gudoomiyaha gobolka Nugaal.
Cabdi Xirsi ayaa beddelaya Wasiirka degaanka Guleed Saalax Barre oo kasoo jeeda gobolka Nugaal hadii warkaan hordhaca ah wax iska bedelin, madaama xafiiska Madaxweynaha Puntland laga sheegayo isbadalo farabadan oo ku aadan liiska golaha cusub,
Waxaa sidoo kale xilalkooda waayi doona sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame iyo Wasiirka Cafimaadka Saadiq Eenow.
Labadaan Wasiir ayaa wadanka dibadiisa ku maqan iyadoo wararku sheegayaan iney ku kala sugan yihiin wadamada Norwey iyo Sweden.
Dib u dhaca ku yimid magacaabista Golaha Wasiirada cusub ayaa ku soo beegmeysa xili maalinta berri ah la filayo inuu furmo kalfadhigii 35 aad ee Barlamanka Puntland kaasoo Madaxweyne Gaas uga fadhiya isbadal inuu ku sameeyo golihiisa wasiirrada oo lagu eedeeyey iney shaqadooda qabsan waayeen.
Galabta ilaa caawa fiidka hore hadii aysan dhicin magacaabistaan waxay noqon doontaa mid dib uga dhacda maalmaha soo socda.
Dadka la socda siyaasadda Puntland ayaa aaminsan in isbadalka golaha wasiirada ee la filayo noqon doono kii ugu balaarnaa ee uu sameeyo madaxweyne xil ka soo qabtey Puntland taasoo ka turjumeysaa xaalada dhaqaale, amni iyo siyaadeed ee ka jirta degaanadaas.
GAROWEONLINE