Magacaabista xoghayaha degmada Garowe oo markale laga noqdey

Image

Nov 4,2015 (GO)- Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweynaha dowlada Puntland amar ku siiyey wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha mar kale inuu dib uga noqdo magaacibta xoghayaha degmada Garowe. Halkan ka akhri 

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa amar ugu siiyey wasiir ku-xigeenka gudaha Cabdullahi Xaashi Qoob-deero inuu soo saaro wareegto uu ku burinayo magacaabista horey u sameeyey wasiirka arrimaha gudaha Puntland Axmad Karaash Halkan ka akhri 

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in magacaabista dambe ee xoghayaha degmada Garowe ay dabada ka riixayeen xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha Puntland. Xubnaha riixayey magacaabistan ayaa wararku sheegayaan iney kala yihiin xoghaynta guud ee madaxweynaha Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo agaasime ku-xigeenka madaxtooyda Puntland.

Dib uga noqoshada magacbista lagu sameeyey xoghayaha degmada Garowe Cabdiqafaar Cabdiraxman ayaa wararku shegayaan iney timid kadib markii madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas culeys siyaasdeed kaga yimid xildhibanaada Barlamanka Puntland kuwooda ka soo jeeda gobolada Sool iyo Ceyn.

Xildhibanadan ayaa wararku sheegayaan iney aad uga caroodeen kadib madaxweynaha Puntland iyo xafiiskiisa faragalin buuxda ku sameeyeen shaqada wasiirka arrimaha gudaha Axmad Karaash oo aad uga xumaadey wareegtada lagu burinayo go'aankiisa.

Go'aamadaan is-khilaafsan iyo siyaasadeynta magacaabista xoghayaha degmada Garowe ayaa imaaneysa kadib markii muddo 12 asbuuc ah uusan qabsoomin shirka golaha wasiirada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM