Magacyada dadka ku dhintey iyo kuwii ku dhawacmey qaraxa Garowe

Image

April 20, 2015 (GO)- Garowe Online ayaa heshay magacyada iyo dalalka ay u kala dhasheen dadkii ku dhintey iyo kuwii ku dhaawacmey qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Garowe.

Weerarka oo lala beegsadey gaari bas ah oo ay la socdeen qaar kamid ha shaqaalaha hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha carruurta UNICEF ayaa ka dhacay meel wax yar u jirta dhismaha UN-ka ee Garowe.

Dadka weerarkaas ku geeriyoodey ayaa kala ahaa:

  1. Brenda Kyeyune, Uganda.
  2. Woki Munyui, Kenya.
  3. Payenda Gul, Afghanistan.
  4. Stephen Adero, Kenya.
  5. Hal askari oo ka tirsanaa SPU, Somalia.
  6. Hal askari oo ka tirsanaa PRS, Somalia.

Dadka dhaawaca ah ayaa iyagana magacyadoodu kala yihiin sidan:

  1. Clement Adams, Uganda, dhaawac fudud.
  2. Marialle Davies, Sierra Leone, dhaawac culus.
  3. Cabdirisaaq Maxamed, Soomaali, dhaawac fudud.
  4. Jill Shermin, USA, dhaawac fudud.
  5. Makonna Florance, Kenya, dhaawac culus.
  6. Labo askari oo ka tirsan SPU, dhaawac fudud.

Dhammaan dadka weerarkan ku dhintey iyo kuwa ku dhaawacmey ayaa ka tirsanaa shaqaalaha UNICEF. Al-shabaab ayaa sheegatey mas'uuliyadda weerarka.

Kala soco Garowe Online wixii kasoo kordha arrintan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM