Magacyada guddiga loo saarey qabanqaabada shirka wadatashiga PL

Image

May 3, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guddi 11 xubnood ka kooban u saaray qaban qaabada iyo agaasinka shirka wadatashiga Puntland, shirkaasoo la sheegay inuu qabsoomi doono bishan May 15-keeda, waxaa ajandeyaasha looga doodi doono ugu muhiimsan:

  1. In dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii bulsho ee Puntland lagu dhisay 1998.
  2. Xal u helidda colaadaha qabaliga ah ee soo noq noqda.
  3. Hirgelinta siyaasad maamul oo fur-furan kuna saleysan nidaamka axsaabta badan.

Xubnaha guddiga oo laga soo kala xuley shanta gobol ee kala ah Bari, Nugaal, Mudug, Sool iyo Sanaag, waxay magacyadoodu kala yihiin:

Nugaal:
Maxamuud Sheekh Xaamud
Maxamuud Xaaji Yuusuf

Bari:
Cabdullaahi Cali Qood
Cabdiqaadir Axmed Ibraahim Xarago
Maxamuud Xaaji Saalax

Mudug:
Maymuun Faarax Sonkor
Cabdinaasir Maxamuud Gurey

Sool:
Maxamed Jibriil Caateeye 
Axmed foortayn  

Sanaag:
Jamac marawayn
Xubinta kale ee Sanaag weli ma helin magaceeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM