Xildhibaannada golaha deegaanka Garowe oo lasoo xulay [DHEGEYSO]
August 17, 2015 (GO)- Waxaa maanta la shaaciyey magacyada 27ka xildhibaan ee kamid noqon doona golaha deegaanka ee degmada Garowe. Xubnahan oo xulistoodu muddo socotey ayaa iska dhex dooran doona dhowaan guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen.
Guddiga loo xil saarey soo xulista xildhibaannada golaha deegaanka Garowe ayaa dib u celiyey labo kamid ah xubnihii lasoo gudbiyey, kuwaas oo lagu kala magacaabo Cabdiqaadir Xasan Kilwe iyo Daahir Maxamed Siciid.
Garowe Online ayaa ogaatey in sababta guddigu u diidey xubinnimada Cabdiqaadir iyo Daahir tahay maadaama ay dhallinyaro yihiin, da'dooduna ka yar tahay soddon sano.
Arrintan ayaa muran dhalisey kadib markii nabadoonada labadaas xubnood keenay diideen in ay soo bedelaan.
Dastuurka Puntland ayaa qaba in qof kasta oo da'diisu ka yarayn 25 jir uu kamid noqon karo xildhibaannada goleyaasha deegaanka.
LIISKA XILDHIBAANNADA CUSUB:
- Axmed Siciid Geelle
- Axmed Siciid Aadan
- Ayaan Xuseen Jaamac
- Cawil Sheekh Xaamud
- Cabdiweli Ismaaciil Yuusuf
- Cabdirisaaq Faarax Maxamed
- Cabdiraxmaan Khaliif Ciise
- Cismaan Maxamed Siciid
- Caasho Cabdi Xuseen
- Daahir Khaliif Siciid
- Farxiye Shire Caato
- Maxamed Salaad Weyrax
- Maxamed Cali Faarax
- Mustafe Maxamed Jaamac
- Mahad Maxamed Ciise
- Maxamed Jaamac Sooyaan
- Maxamuud Axmed Cabdi
- Maxamed Yaasiin Aw-cali
- Mawliid Xaaji Axmed
- Mustafe Maxamuud Ismaaciil
- Maxamed Cali Maxamed
- Maxamed Cumar Axmed
- Suhuur Xaashi Maxamed
- Xaawo Axmed Maxamed
- Xasan Maxamed Ciise
GAROWE ONLINE