Malaayiin Xujay ku sugan Carafo iyo diyaar garowga Ciidda [Warbixin]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

23 September, 2015(GO)-Muslimiin ka badan saddex milyan ayaa saaka u dareeray Buurta Carafo si ay gutaan acmaasha Xajka.

Malaayiin musliin ah ayaa sannadkan tagay Xajka kuwaasi oo ka kala yimi daafaha dunida, halka kuwa kalena soomanyihiin si EEBBE ugu dambi dhaafo.

Sidoo kale Xujeyda ayaa marka qoraxdu dhacdo waxay aadi doonaan dhanka Musdalifa, si ay u dhameystiraan waajibaadkooda xajka.

Barri oo Khamiis ah ayaa ku beegan Maalinta Ciidul Adxa, waxaana socda diyaar garowga loogu jiro weynaynteeda.

Garowe ayaa ka mid ah meelaha sida aadka ah looga dareemayo, waxaana maanta suuqyada Garowe booqday wariyaha Garowe Online, isagoo u kuurgalay xaaladda iyo qaabka dadku wax u iibsanayaan.

Suuqyada Garowe ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq yari dhanka wax iibsiga ah, iyadoo dadku u sababeeyeen dhaqaalo xumo ka jirta dalka.

Goobaha lagu iibiyo xoolaha ee Garowe, waxaa dhoobnaa xoolo badan oo laga keenay tuulooyinka iyo baadiyaha u dhaw caasumadda, waxaana la sheegay inuu yaryahay wax iibsigu.

Qaar ka mid xoolo dhaqatada iyo dadka iibiya oo la hadlay Radio Garowe ayaa kawaramay sida wax u socdaan, waxayna tilmaameen in qiimaha neefka lagu gato marayo ilaa 70 iyo 100 dollar inta u dhaxaysan, balse ciiddan dhaq dhaqaaqu ka yaryahay ciidihii hore.

Garowe ayaa xiliyadan oo kale la dareemi jiray wax iibsi xoogan iyo diyaar garowga ciida balse sannadka ayaa sidii hore ka badalan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM