​Mallayshiyaad katirsan Shabaabkii lagusoo qabtay xeebaha Puntland oo la dhoofiyay

Image

GAROWE, Puntland- Mallayshiyaad katirsanaa Shabaabkii lagusoo qabtay dagaal horraantii sannadkan ka dhacay xeebaha Puntland ayaa maanta loo dhoofiyay magaalada Muqdishu Caasumadda Somalia.

Xubnaha la dhoofiyay oo tira ahaan lagu sheegay 26 qof ayaa kamid ahaa maxaabiis lagusoo qabtay dagaallo ka dhacay deegaanada Suuj iyo Garmaal ee gobolka Nugaal.

Waxay kamid ahaayeen maxaabiis dhawaan Maxkamad ciidan ku riday xukunno kala duwan, balse kuwan xeer gooni ah loo eegay.

Waxaa la sheegay in da'doodu ka hoosayso 15 sidaas dartey loo samaynayo Dhaqan Celin.

Wararka uu warsidaha Garowe Online ka helayo ilo lagu kalsoonayahay, ayaa sheegaya maxaabiistan loo wareejiyay xero ku taalla magaalada Xamar sid dhaqan celin loogu sameeyo.

Qorshaha maxaabiistaas looga qaaday magaalada Garowe, ayaa xogtu sheegaysaa inay iska kaashadeen madaxda Puntland iyo Jamciyadad Quruumaha ka dhaxaysa.

Waxaa lagu qaaday Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay.

Madaxda Puntland ayaa go'aanka maxaabiista lagu qaaday ku kala aragti duwanayd, waxaana madaxweyne ku-xigeenku [Cabdixakiim Cabdullaahi Camay], kasoo horjeeday in la wareejiyo.

Waxaa xusid mudan in mallayshiyaadkan gacanta ku haysay wasaaradda cadaaladda oo si dhow xaaladooda ula socotay iyagoo dhowr jeer saraakiil katirsan wasaaradaasi ku booqdeen xabsiga iyagoo sheegay inay dhaqan celinayaa.

Dowladdu ka shaacin wareejinta maxaabiistan iyadoo laga warqabo qaabdkii shacabka Puntland iyo ciidamadooduba u istaageen in mallayshiyaadka soo duulay looga sifeeyo deegaanada Puntland.

Majirto cid magdhow iyo taakulayn siisay cidamadii ku waxyeelloobay dagaalkaasi iyadoo dhawaan Askar qabsatay Bangiga iyo wasaaradda Maaliyadda ee Garowe ku doodayeen in la siiyo mushahar islamarkaana la daryeelo dhaawacooda.

Maxaabiitii lagu qabtey dagaaladii ka dhacey xeebaha Puntland ee badweynta Hindiya ayaa qaar ka tirsan xabsiyo kala duwan lagu xakumay.

Kooxda Al Shabaab oo weeraro ku soo qaadey xeebaha Puntland gaar ahaan degaannada Garacad iyo Suuj sanadkan bilowgiisa ayaa dagaal lala galay waxaa looga qabtey maxabiis kuwasoo ku jira xabsiyga dhexe ee magaalada Garowe.

Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa la rumeysan tan iyo intii xilka la wareegtey xabsiyada Puntland kasii daysay maxaabiis farabadan kuwasoo qaarkood falal argagixiso dib uga fuleeyeen magaalooyinka qaarkood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM