Mamulka degmooyinka JPLG oo lagu taba-baray maareynta qashinka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

02 December, 2015(GO)- Hay'adda UN-HABITAT ayaa afar maalmood ku tababaraysay magalada Garowe mamulka degmooyinka uu ka shaqeeyo JPLG ee Puntland, wuxuna salka ku hayaa tababarka sidii nidaam loogu samayn lahaa qashinka oo faa'iidadaasi loo heli lahaa.

Tababarka ayaa salka ku hayay in todobada magaalo ee barnaamijka horumarinta degmooyinku ka shaqeeyo inay sameeyeen nidaam hufan oo lagu maareynayo qashinka isla markasna dhaqaale looga sameeyo maadama caalamka qashinka dareeraha ah iyo kan adkaha laga sameeyo shidaan, iyo agabka kale ee ganacsiga.

Madaxa UN-HABITAT Puntland Cismaan Maxamuud ayaa sheegay barnaamijkan in si tijaabo ah sanadka cusub looga hirgalinayo magaalooyinka Garowe iyo Qardho ayna muhiim tahay mamuladooda inay dadka ku wacyi galiyaan oo laga dhaadhiciyo qashinka in dhaqaale laga samayn karo.

Markii la qiyaasay qashinka laga qaado maalinkii Bosaso iyo Gaalkacyo wuxuu u dhignaa 80-birmiil oo shidaal ah, taas badalkeedana ay muhiim tahay in laga faa'iidayso..

Khabiirkii daruusta bixinayey afarta maalmood ayaa sheegay qashinka la gubo in cuduro uu ka mid yahay kansarka laga qaado, wuxuna talo ahaan kusoo jeediyay in maareyntiisa loo maro todobo waddo uu tababarka ku siiyay sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay qashinka xaafadaha in goobo cayimin loo sameeyo oo aan la daadin lana gubin.

Duqa degmada Jariiban Maxamed Yuusuf Shirwac ayaa dowladda ugu baaqay inay ka caawiso qalabka qashinka ee dhaqaale loogu badali lahaa sidoo kale waxa uu sheegay in maanta ka dib qashinka loo helay xal dadkana dhaqaale kaga heli karaan.

Barnaamijkan ayaa noqonaya noociisa kii ugu horeeyay oo Puntland lagu qabto, haddii uu tijaabadiisa lagu guulaystay xal loo helayo dhaqaalaha hooseeya ee Puntland.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM