Mamulka Jariiban oo ka cabanaya doonyo jariif ah

Image

Garowe, October 7,2014 [GO]- Mamulka degmada Jariiban ee Gobalka Mudug ayaa walaac ka muujiyay doonyo si xoogan u guranaya khayraadka xeebta garacad.

Duqa Jariiban Cabdilaahi Cali Yusuf oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin doonyo faro badan oo jariif ku haya xeebta Garacad, taasoo uu sheegay inay saamayn ku yeelatay muraq-maalka xeebtaasi handadaad kala kulmaya doonyahaasi.

Ilaa afartan doonyood ayuu Cabdilaahi Cali sheegay in lagu arkay deegaanka xeebta leh ee Garacad isla markasna mamulka Gobalka iyo wasaradaha ku shuqulka leh uu ku wargaliyay si tilaabo looga qaado.

Wasaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badda ayaa horay usoo saartay go'aan kallumaysatadda looga joojinayo inay jilaabtaan aargoosatada oo lagu jiro waqtigii ay dhali jirtay balse walaaca kooxaha badda ka xamaashaa kasoo baxaya ayaa sii kordhaya.

Duqa Jariiban waxa uu codsaday in tilaabo deg deg ah laga qaado doonyaha jariibka ba'an ku haya xeebta Garacad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM